Guddoonka Golaha Shacabka oo tegay shirka murashaxiinta ee Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biiray shirka murashaxiinta madaxtinimada ee maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta shirkaan xoojiyey ayaa kala ah; Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee isla golahaas, Cabdiwali Ibraahim Muudey.

Qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Golaha Shacabka ayaa lagu yiri: "Guddomiyaha Golaha Shacabka BJF Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdurrahman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Cabduweli Shekh Ibraahim Muudaey Ayaa Caawa Shir Guddomiyey Ka Qaybgalay Shirka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee Doorashada Dalka Oo Maalinti Seddacaad Uga Socda Magaalada Muqdisho".

Lama ogga hadii ka qeybgalkooda shirkaan uu yahay qorshe ay la og-yihiin madaxda dowladda federaalka ee waqtiga gabaabsiga ka yahay. Mursal iyo Muudey waxay gacansaar la leeyihiin Villa Soomaaliya.

Shirka murashaxiinta oo dib uga dhacay qorshihiisa in maanta lasoo gabagabeeyo waxaa maanta tegay afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Hasa ahaatee, lama soo bandhigin fahfaahinta.

Talaabada ay qaadeen Mursal iyo Muudey ayaa kusoo hagaageysa xilli ay jiraan warar sheegaya in xubno ay gudbiyeen aanan lagu soo darin guddiyada doorashooyinka ayna arrintaas isku qabteen madaxda dowladda.

Wada-xaajoodyadda murashaxiinta oo cadaadis xoogan ku haya Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa aad looga dhur-sugayaa go'aanadda kasoo baxa kuwaasoo isbedel ku sameyn kara jihada siyaasadeed ee dalka qaadanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM