Guddoonka guddiga doorashada Galmudug oo la doortey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug ayaa maanta Muqdisho waxay doorteen Guddoomiye iyo Ku-xigeenkiisa, sida ku xusan qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal.

Musharixiinta xilka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka isu-soo taagay ayaa kala ahaa; 1) Maxamed Daahir Guuleed, guddoomiye iyo 2) Saacid Aadan Jaamac. Ku xigeen.

Madasha ay ku qabsoontey doorashada ayaa waxaa soo xaadirtay xubnaha gaarayay 11 kuwaas oo kamid ah guddiyada doorashooyinka maamulkan uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor].

Natiijada kasoo baxdey coddeynta ayaa kala ah; 1) Maxamed Daahir Guuleed ayaa helay 11 cod. Mana jirin qof la tartamay, halka Saacid Aadan Jaamac oo u tartamayey Guddoomiye Ku xigeen uu helay 11 cod mana jirin qof la tartamay.

Maxamed Dahir Guuleed ayaa noqday Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgalinta Doorashada Galmudug, Saacid Aadan Jaamac wuxuu noqday Gudoomiye ku xigeenka guddiga.

Doorashadan ayaa waxay daba socotaa xulashada guddoomiyeyaasha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo kan maamul goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana xiga doona kuwa dowlad goboleedyada kale.

Marka guddiyada ay iska dhex-doortaan guddoon, waxaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan degaan doorashadooda iyaga oo si rasmi ah u bilaabi doona in ay dhaqan-geliyaan jadwalka ay ku heshiiyeen madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM