Guddoonka guddiga doorashada Galmudug oo la doortey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug ayaa maanta Muqdisho waxay doorteen Guddoomiye iyo Ku-xigeenkiisa, sida ku xusan qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal.

Musharixiinta xilka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka isu-soo taagay ayaa kala ahaa; 1) Maxamed Daahir Guuleed, guddoomiye iyo 2) Saacid Aadan Jaamac. Ku xigeen.

Madasha ay ku qabsoontey doorashada ayaa waxaa soo xaadirtay xubnaha gaarayay 11 kuwaas oo kamid ah guddiyada doorashooyinka maamulkan uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor].

Natiijada kasoo baxdey coddeynta ayaa kala ah; 1) Maxamed Daahir Guuleed ayaa helay 11 cod. Mana jirin qof la tartamay, halka Saacid Aadan Jaamac oo u tartamayey Guddoomiye Ku xigeen uu helay 11 cod mana jirin qof la tartamay.

Maxamed Dahir Guuleed ayaa noqday Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgalinta Doorashada Galmudug, Saacid Aadan Jaamac wuxuu noqday Gudoomiye ku xigeenka guddiga.

Doorashadan ayaa waxay daba socotaa xulashada guddoomiyeyaasha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo kan maamul goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana xiga doona kuwa dowlad goboleedyada kale.

Marka guddiyada ay iska dhex-doortaan guddoon, waxaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan degaan doorashadooda iyaga oo si rasmi ah u bilaabi doona in ay dhaqan-geliyaan jadwalka ay ku heshiiyeen madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM