Guddi diiday qodob ku jira habraaca doorashadda Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa kahor yimid qodob kamid ah habraaca doorashadda kuraasta Goboladda Waqooyi ee shalay lasoo saarey.

Gudiga xalinta khilaafaadka ayaa sheegay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay meesha ka saareen doorkiisa xalinta cabashadda iyo muranka ka yimaada doorashadda.

Qoraal uu Gudiga soo saarey ayuu ku diiday qodobkaas, oo uu sheegay inuu baal-marsan yahay heshiiskii doorashadda Sep 17 iyo May 27 ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Maamullada iyo Dowladda Federaalka.

”Hadaba, Cuddiga Xallinta Khilaafaadka Doorasthada Dadban ee 2020/2021 isaga oo tixraaceyna Habraaca Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee soo baxay Tr 30/10/2021. Qodobka 3 farqadiisa 12 ee u qoran sidatan (wixii Khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxaa xallin doona oo go ‘aan kama danbeys ah ka soo saaraya Guddoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland), isla markaana qodobkaas uu si toos ah uga hor imaanayo mas ‘uuliyaadka loo igmadey Guddiga xalinta Khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood shari ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhusha Doorashooyinka dadban 2020-2021.

”Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada dadban wuxuu xasuusinaynaa Guddiyada Maamulka Doorashooyinka Heer Dawlad Goboleed (SEIT) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (FET) in ay dhawraan dhamaan Heshisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021. Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca sulista
ergooyinka doorashada iyo Qodobkiisa Saddexaad ee Hindisaha Daahfurnaanta Doorashada 2021.

Ugu danbeyn, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ayaa sheegay in, iyaga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo dhamaan Habraacyadii kaas baxay Golaha Wadatashiga Qaranka dhawrayana hufnaanta doorashada si ay u dhacdo doorasho hufan oo cadaalad ah ay ugu baaqayaan Gudoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland in ay si deg deg ah u saxaan
Qodobka 3aad farqadiisa 12 ee Habraaca Doorashada Golaha Shacabka Gobolada Waqooyi oo ay waafajiyaan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo Habraacyadii ka soo baxay Golaha (Somaliland).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM