Gudoomiyaha degmada Baardheere oo qeylo dhaan u dirsaday Bulshada Soomaaliyeed

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Roobabkii dayrta ee ka da’ay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay sii xoogeystay, waxaana ka dhashay fatahaado sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa ka hadlay roobabka ka da’ay gobolka Gedo oo saameeyeen ku reebay dadka degmada.

Guddoomiye Maxamed Yuusuf Qorax ayaa sheegay in guud ahaan gobolka ay ka jirto xaalad adag, wuxuuna ugu baaqay dowladda iyo maamulka Jubbaland in gurmad deg deg ah lala soo gaaro qoysaska ay roobabku saameeyeen.

Gobolo kala duwan oo dalka ka tirsan ayaa waxaa ku soo noqnoqday daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM