Gudoomiyaha Hiiraan oo Beledweyn ku tilmaamay “Qaryo la halaagay” ka dib fatahaad hor leh

Image
"Magaalada Beledweyn Qariyo la Halaagay bay isugu badashay" Gudoomiye Sufurow

BELEDWEYN, Soomaaliya - Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay fatahaado xooggan oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, sidoo kale kumanaan qof oo ku dhaqan magaalada ayaa ka barakacay.

Biyaha ayaa gabi ahaanba magaalada qarqiyay oo joojiyay dhaqdhaqaaqii dadka, waxayna arrintaasi saameyn ku yeelatay nolosha qoysaska ku tiirsan shaqooyinka farsamada iyo wixii la halmaala oo lagu kaafiyo nolol maalmeedka.

Kumanaan ka mid ah dadkii ku noolaa magaalada ayaa barakacay, kuwa harayna waxay tageen saqafka sare ee daaraha dhaadheer si ay uga badbaadaan fatahaadda, kuwaasoo heerarkoodu aad sare ugu kacay.

Dadka ku barakacay magaalada bannaankeeda ayaa la kulmaya dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu weyn tahay cunno yari iyo la’aanta meel ay u hoyadaan oo ay uga badbaadaan fallaaraha cadceedda.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow, ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabelle ee Magaalada Beledweyn iyo khasaaraha ka dhashay.

Gudoomiyaha oo xaqiijiyay dhimashada 15 qof, ayaa yiri:

“Hadda quus aan gaarnay, Magaalada Beledweyn Qariyo la Halaagay bay isugu badashay, waa laga kala guuray, dhibaatada ay shacabka magaalada la kumayaan waa in la gaarsiiyaa Caalamka”.

Roobabka ka dhashay xaaladda El Niño ayaa sababay in biyaha webiga Shabeelle & Jubba ay sare u kacaan, taasoo keentay fatahaado ku dhuftay tuulooyin badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellooyinka, Jubbooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM