Gudoomiyaha SODMA oo la guddoon-siiyay shahaado sharaf

Image
Munaasabadan ayaa waxay ka dhacdey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad ballaaran.

Xafladan ayaa waxaa lagu soo bandhigayey waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, waxaana goobjoog ka ahaa xafladaan Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallim Fiqi. 

Madashaan waxaa lagu soo bandhigay waxii u qabsoomay sanadkaan 2023 Wasaaradda arrimaha gudaha,iyadoo shacabkii ka soo qaybgalay kulankaan wasiirka iyo Guddoomiyaha SoDMA ay waydiyeen su'aalo la xariira waxa u qabsoomay iyo qorshaha u yaal.

Wasiir Fiqi ayaa shahaado sharaf shaqo wanaag ah guddoonsiiyey Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle kaas oo lagu abaalmariyey shaqada wanaagsan ee dalka iyo dadka uu u hayo.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in wax kasta oo karaankooda ah ka hay'add ahaan ay qabteen, isaga oo ka jawaabay su'aalo la waydiiyey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallim Fiqi ayaa ammaanay hoggaanka Hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in ay qabteen shaqo lagu diirsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM