Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa oo lagu dilay koonfurta Soomaaliya

Image

JOWHAR, HirShabelle – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar shirqool ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe ee hoosta maamulka HirShabelle, koonfurta Soomaaliya.

Dabley hubeysan oo aan la aqoon ayaa fulisay howlgalka oo lagu khaarijiyey gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisa degaanka Cadeyga oo ku yaala duleedka magaalada Balcad.

Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan la aaso, sidda ay mareega Garowe Online u xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan oo mas'uuliyiinta ay baarayaan.

Al-Shabaab ayaa aad ugu xoogan gobolada hoostaga HirShabelle, oo kamida dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, kuwoodii ugu dambeeyay ee dhidhibada loo taagay.

Xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu sheegay in uu tacsi u dirayo eheladda marxuumiinta.

Sanadihii lasoo dhaafay mas'uuliyiinta dowlad goboleedkan aad ugu nugulaa dhagarta xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida, sababtuna waa ilaalo ku filan oo aysan haysan iyo awooda laamaha amniga oo hooseysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM