Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa oo lagu dilay koonfurta Soomaaliya

Image

JOWHAR, HirShabelle – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar shirqool ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe ee hoosta maamulka HirShabelle, koonfurta Soomaaliya.

Dabley hubeysan oo aan la aqoon ayaa fulisay howlgalka oo lagu khaarijiyey gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisa degaanka Cadeyga oo ku yaala duleedka magaalada Balcad.

Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan la aaso, sidda ay mareega Garowe Online u xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan oo mas'uuliyiinta ay baarayaan.

Al-Shabaab ayaa aad ugu xoogan gobolada hoostaga HirShabelle, oo kamida dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, kuwoodii ugu dambeeyay ee dhidhibada loo taagay.

Xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu sheegay in uu tacsi u dirayo eheladda marxuumiinta.

Sanadihii lasoo dhaafay mas'uuliyiinta dowlad goboleedkan aad ugu nugulaa dhagarta xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida, sababtuna waa ilaalo ku filan oo aysan haysan iyo awooda laamaha amniga oo hooseysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM