Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cismaan Jawaari, gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qabtey caawa Shir Jaraa'id oo uu uga hadlay arrimo badan, oo ay kamid yahiin Mooshinka laga keenay iyo Khilaafka Siyaasadeed ee dalka.

Jawaari oo Saxaafadda kula hadlay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Khayre uu ka talo qaatey Xildhibaanno uu sheegay inay burburiyeen Baarlamaankii 8aad, kuwaasi oo hadda ka shaqeynaya burburka Baarlamaanka shaqeynaya.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in aysan jirin mooshin laga waday Xasan Cali Khayre, balse Xildhibaanno ay ku dagaal geliyeen warar been ah, taasoo abuurtay khilaafka Siyasaadeed ee hadda dalka ka jira, oo sababay in Gollaha Shacabka kala qeybsamo.

Jawaari ayaa dhanka kale ka hadlay Ciidanka la duldhigay xarunta Hay'adda sharci dejinta dalka, isagoo arintaasi ku tilmaamay wax laga xumaado, oo keeni karta in xaalad xun uu sii galo dalka.

"Weli ma dhicin in Xaruntii Baarlamaanka, ee xurmadda lahayd Ciidan la duldhigo, arinta lagu kacay hadda waxay xaaladda fool-xun, waxaana ugu baaqayaa Hay'adda fulinta in Ciidanka la dulqaado Xarunta, oo faragelintana ka dayso," ayuu yiri Jawaari.

Hadalka Jawaari ayaa yimid saacado kadib markii uu Xarunta Villa Hargeysa ku shir gudoomiyay kulanka Gudiga Ganacsiga ee Gollaha Shacabka, islamarkaana shaaciyay ajandaha Kulanka sabtida furmi doono oo ah arinta derbiga Balad-Xaawo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM