Gudoomiye musuq-maasuq ku eedeeyay DF oo shaqada laga joojiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqa Muqdisho ayaa shaqa ka joojin ku sameeyay gudoomiyihii degmada Xamarweyne, Cumar Shariif Maye kadib markii uu eedeyn kulul u jeediyay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre.

Cumar Shariif ayaa ku eedeeyay Xukuumadda hadda jirta inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd ee soo marta dalka, isagoo intaasii ku daray in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya in aan lagu aamni karin amniga dalka, islamarkaana ay yihiin kuwa qaraxyada soo geliya magaalada Muqdisho.

Eedeymahan ayaa soo dedejiyay shaqa-joojinta gudoomiye Cumar Shariif, waxaana si KMG ah shaqada maamulka degmada loo dhiibay xigeenkiisii dhanka amniga iyo siyaasadda, Axmed Maxamed Iidow.

Tan iyo markii uu Farmaajo u magacaabey xafiiska Ra'iisul Wasaaraha horaantii 2017, Xasan Cali Khayre ayaa fagaarooyinka ka sheegayay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa ragaadiyay dalka 20 sano ee lasoo dhaafay.

Mas'uuliyiim dhowr ah iyo Taliye-yaal ciidan ayaa xabsi ugu jira musuq-maasuq, iyadoo uu Khayre bishii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa’uud, oo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay.

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM