Gunta hadafka beegsiga kooxda AS ee Turkida ku nool Soomaaliya

Image
December 28, 2019, laba Injineer oo Turki ah ayaa kamid ahaa ugu yaraan 80 qof oo ku dhintay qarax gaari xamuul ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaqaale Turki ah ayaa Khamiistii lagu dilay Soomaaliya kadib weerar ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Weerarkan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiid ay la socdeen shaqaale samafalayaal ah oo isugu jira Turki, Soomaali iyo ilaaladooda ay ku sii jeedeen xero barakacayaal si ay raashin gargaar ah u gaarsiiyaan.

Goob joogayaal iyo booliiska ayaa sheegay in qarax wadada dhinaceeda lagu aasay uu haleelay mid ka mid ah baabuurta, waxaana ku dhintay labo qof oo ahaa shaqaale Turki ah iyo mid Soomaali ah.

Al-Shabaab oo ka soo horjeeda taageerada Turkiga ee dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore weeraro galaaftay nolosha muwaadiniin Turki ah oo shaqooyin rayid ah ka waday Soomaaliya.

Mid ka mid ah weerarrada Al-Shabaab, December 28, 2019, laba Injineer oo Turki ah oo ka shaqaynayay mashruuca dhismaha waddo ayaa ka mid ahaa ugu yaraan 80 qof oo ku dhintay qarax gaari xamuul ah.

Weeraradaas ayaan wax u dhimin xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Bishii Febraayo, Soomaaliya iyo Turkiga waxay ku dhawaaqeen inay kala saxiixdeen heshiiska qaab-dhismeedka difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha, kaasoo si weyn looga xusay Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Turkiga uu dhiso, tababaro, qalabayn doono ciidamada badda Soomaaliya, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo Turkiga ku tilmaamay "walaal run ah oo la isku hallayn karo".

Bishii la soo dhaafay, labada dal waxay saxiixeen heshiis lagu sahaminayo shidaalka iyo gaaska kaasoo sii xoojinaya iskaashiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dal.

Maleyshiyadda Al-Shabaab, ayaa waxay war-saxaafadeed ay soo saartay ku diiday heshiiska gaashaandhigga iyo iskaashiga dhaqaalaha, waxayna ku tilmaantay mid aan gabi ahaanba sharci ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM

Soomaaliya oo heshay mashruuc ka faa’ideysanayaan 2.5 milyan qof

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha soo laab-laabtey.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:19AM