Gurigii danjiraha Soomaaliya ee Khartuum oo la bililiqeeyatey

Image
Safiirka uu qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayuu ku xusay in ay hoygiisa beegsadeen kooxo hubeysan.

KHARTUUM, Suudaan - Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya ee Suudaan, Maxamed Sheekh Isaaq, ayaa sheegay in loo dhacay gurigii uu ka daganaa magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan.

Danjiraha uu qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayuu ku xusay in ay hoygiisa beegsadeen kooxo hubeysan wallow uusan si gaar ah u magacaabin labada dhinac ee dagaalamaya.

“Waxaan cambaareeynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeeyatey guriga aan ka deganaa Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan lana qaatey gawaarigiidii safaaradda Soomaaliyeed," ayuu yiri.

Waxa uu raaciyey: "[Waxaa] falkaasi wuxuushnimada ah sameeyay maaleeshiyaad hubeysan ee aan ixtiraameeynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha Diplomasiyiinta taasoo ka baxsan akhliqiyaadka dhaqameed".

Dhanka kale, duqeymo iyo rasaasta ayaa dib uga soo cusboonaaday caasimadda Suudaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal, kaddib markii ay dhammaatay xabbad joojin 24-saac ah oo dadka rayidka ah siisay nasasho naadir ah kadib ku dhawaad ​​laba bilood oo dagaal ah.

Jugta madaafiicda culus ayaa laga maqlay Khartoum iyo magaalada mataanaha ah ee Omdurman oo dhanka waqooyi ka xigta, waxaana sidoo kale dagaalku uu ka qarxay wadada Al Xaawo, oo ah halbowlaha ugu weyn ee koonfurta caasimadda.

Heshiisyadii xabbad joojinta ee ugu dambeeyay ayaa u sahlay dadka rayidka ah ee ku go'doonsan Khartoum in ay dibadda u soo baxaan oo ay kaydsadaan cuntada iyo saadka kale ee muhiimka ah.

Balse, tobban daqiiqo oo kaliya ka dib markii ay dhamaatay 6:00 subaxnimo (0400 GMT), waxaa caasimadda mar labaad ruxay duqeymo iyo iska hor imaadyo, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM