Guterres oo guddi u saarey qorshe ka dhan ah AMISOM

Image

WASHINGTON, US – Qaramada Midoobay ayaa daaha gedaashiisa uga diyaarineysa qorshe jiho cusub lagu gelinayo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, sidda ay muujinayaan warbixino ka imaanaya illo diblumaasiyadeed.

Howlgalkan in ka badan tobban sano jira ayaa wajahaya hubanti la’aan dhanka mustaqbalka ah xilli xasiloonida Soomaaliya aysan wali dib u soo laaban.

Xoghayaha guud ee UN-ka, António Guterres, ayaa la sheegay in bishii August, 2020 uu koox gaar ah u xil-saarey qiimeynta wax-qabadka AMISOM ayna wehliso in ay mid isku soo raacaan saddex qorshe oo ku jirta warbixin loo gudbiyey.

Sidda laga soo xitay warbixinada, qoreyaasha warbixinta ayaa soo jeediyey in AMISOM lagu bedelo howlgal ay Qaramada Midoobay maamusho taas oo xaqiijineysa dhaqaalaha iyo xasiloonida dhanka hogaaminta ah.

Dalalka ciidamadda ku deeqay ayaa horey u codsaday in Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ay la wareegto mas'uuliyadda guud ee maalgelinta howlgalka iyadda oo loo marinayo Golaha Ammaanka oo mas'uul ka ah amniga guud ahaan dunida.

Qorshaha labaad ee qorsheyaasha soo gudbiyaan ayaa ah in howlgalka AMISOM lagu bedelo mid isku-dhaf ah oo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ah, halka soojeedinta saddexaad ay tahay in dalalka Afrika oo dhan laga dhigo.

Soojeedinta saddexaad waxay u muuqaneysaa mid laga soo amaahanayo howlgalka lagula dagaalamayo Al-Qaacida ka howlgasha waddanka Mali.

"Midowga Afrika ayaan wax door ah ku lahayn dhamaan soo jeedintan, waxaana ay u badan tahay in uu ka hor-imaan doono la-shaqeynta kooxda xaqiiqo raadinta ee António Guterres," ayay xusayaan warbixinada dhanka diblumaasiyadda.

Dhaliisha ugu xoogan ee AMISOM wajahayso waa in aysan wali ka guuleysan Al-Shabaab iyaga oo waddanka ku sugan in ka badan tobban sano, waxaana qorshaha António Guterres uu u muuqdaa mid taageerayo ka helaya Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM