Guterres: Si ula kac ah ayaa loo weeraray Xarunta UN-ka ee Muqdisho

Image

NEW YORK - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in weerarkii hoobiye ee shalay lagu qaadey xarunta UN-ka ee Muqdisho ee ahaa mid ula kac ah, isagoo si kulul u cambaareeyay falkan.

Guterres ku tilmaamay weerarka oo lagu dhaawacay labo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof kale oo qan-daraasle ah mid "xad gudub ku ah sharciga caalamiga ee arrimaha bini'aadanimadda".

Xogyaha Guud ee QM ayaa u rajeeyay shaqaalaha dhaawaca ah soo kabasho deg-deg ah, waxuuna ugu baaqay mas'uuliyiinta Soomaaliya in ay "baaraan weerarka ayna si deg deg ah u keenaan kuwa mas'uulka ka ah caddaaladda,".

Guterres ayaa yiri "ficilada noocan oo kale ah hoos uma dhigi doonaan go'aanka adag ee Qaramada Midoobay ee ah inay sii wado taageeridda dadka iyo xukuumadda Soomaaliya dadaalkooda ku aaddan in ay dhisaan nabadda iyo xasiloonida dalka."

Saacado kadib weerarka hoobiye ee Xarunta UN-ka uu ku leeyahay Muqdisho, Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Wakiilka QM Nickolas Haysom inuu ka tago dalka, iyadoo ku eedeysay inuu ku xad gudbay qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadeed iyo farageliyay madax-bannaanida qaranka.

Go'aanka lagu eryay Haysom ayaa yimid markii uu Wasaaradda Amniga u gudbiyay qoraal ay soo saareen deeq-bixiyeyaasha, oo ay uga dalbadeen inay jawaabo ka bixiso rabshadii ka dhacay Baydhabo bishii lasoo dhaafay iyo xariga Robow.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM