HirShabelle: Tartanka kuraasta Aqalka Sare oo la furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR, HirShabelle - Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa ku dhawaaqay in tartanka kuraasta Aqalka Sare ee maamulkiisa ku yeelanayo baarlamaanka federaalka noqonayo mid furan.

"Qof walba xor buu u yahay inuu Kursi Senate u tartamo, ma jiri doonto cid si gaar ah ugu xirayo kuraas gaar ah," ayuu Khamiista maanta ah ka dhawaajiyey Guudlaawe.

Wuxuu hadalkan ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka HirShabeelle Maanta. Guudlaawe ayaa maanta furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Hadalka Guudlaawe ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu soo saarayo Musharixiin taabacsan Villa Somalia, si Farmaajo ugu abaal-mariyo fursado u sahlaya dib u doorashadiisa.

Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa ka soo qeybgalay Xubno Golaha Wasiirada, qaar kamid ah Musharaxiinta Senarada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Qeybaha Kala duwan ee bulshada.

Guudlaawe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku dara in waqtiga ugu badan uu ku bixiyay Arrimaha Doorashooyinka si dalka ay uga dhici lahayd Doorashooyin daah furan.

Mudanayaasha Baarlamaanka iyo shacabka Hirshabeelle ayuu u balan qaaday in muwaadin walba oo xaq leh buuxiyana shuruudaha looga baahan yahay musharaxnimo lagu soo dari doono liiska Musharaxiinta Aqalka sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM