Guudlaawe oo iska-leexiyey isbaarooyinka ka jira HirShabelle

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan si adag uga hadlay qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda HirShabeelle ayaa sheegay in Isbaarooyinka yaala deegaaanada Hirshabeelle ay u yaalaan qaar kamid ah ciidanka milatariga.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimaha amniga, dardargalinta wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta alshabaab oo dhowaan bilaaban doona iyo muhiimada dardargalinta howlaha hortabinta u leh Dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka ee isbaarta u taalo ayuu xusay in ay hoostagaan Wasaarada Gaashaandhiga, isagoo xusay in dhowr jeer si hoose looga hadlay balse aan waxba laga qaban.

Guudlaawe ayaa tilmaamay in Hirshabeelle aysan u oolin wax isbaaro ah, qabiil aysan u oolin, balse dadkeena ay dhac iyo boob ku hayaan qaar kamid ah Ciiidanka Xoogga dalka oo aan la wadaagnay Taliskooda iyo Madaxda dalka.

"Ma jiro qof shacab ah oo ay u taalo isbaaro. Ma jiro maamul heer dowlad goboleed ah ama heer degmo ah oo ay degaanada xorta ah ee HirShabelle ay isbaaro u taallo," ayuu ku daray.

Dhanka kale, wasiirada ayuu la wadaagay diyaar garowga loogu jiro wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo khawaarijta alshabaab oo dhowaan ka bilaaban doono deegaanada Hirshabeelle, waxa uuna shacabka ugu baaqay inay isu diyaariyaan ka qeybgalka howlgaladaas.

Wasiirka Qorsheynta ayaa golaha la wadaagay halka uu marayo barnaajimka xalka waara, iyadoo dhanka kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaadiidka uu golaha uga waramay qorshooyinka Wasaarada ee hagaajinta Garoomada diyaaradaha iyo howlgalinta taarkooyinka gaadiidka.

"Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Hirshabeelle inay ka feejignadaan fatahaado laga yaabo inuu sameeyo Wabiga Shabeelle," ayuu yiri xafiiska Guudlaawe.

Dhawaqa Guudlaawe ayaa kusoo hagaagaya xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dhawaajiyey in degaanada HirShabelle ay yihiin meesha kaliya ee dalka kamid ah ee isbaaro ka jirto, isagoo is-waydiiyey cidda dhigatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM