Walaac laga muujiyey nooca doorasho ee ka bilaabatay dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax Cabdikariim Xuseen Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa welwel ka muujiyey nooca doorasho oo ka bilaabatey gudaha Soomaaliya.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Sahan ayaa ku baaqay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo dimuqraadiyaddiisa iyo hufnaanta hay’addihiisa heer maamul gobolleed iyo heer Dowlad dhexe.

"Mashruuca doorashadu inuu noqdo mid haggaagsan waxaa la galiyay xoog, xoolo iyo xikmad. Bishii April ee sanadkaan, dad qiimo badan ayaa nooga dhintay iyagoo radinaya in dalkaan loo ilaaliyo dimuqraadiyaddiisa iyo hufnaanta hay’addihiisa heer maamul gobolleed iyo heer Dowlad dhexe," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray hadalkiisa: "Waxa intaas oo dhan loo bixinayay waxey aheyd in muwaadiniintu helaan xuquuq siman oo xaga tartanka ah iyo iney doorashadu noqoto mid ka hufan".

"Cinwaankeenii ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan, dhexda taala, oo loo dhanyahay. Kalmadahaasi ma’aheyn kuwo loogu dan lahaa qof gooni ah ee waxaa loo socday guud ahaan mashruuca iyo maamulka doorashada," ayuu raaciyey.

Guuleed oo horey u soo noqdey madaxweynaha Galmudug ayaa xusay "Dhammaanteenna masuuliyad ayaa naga saaran hubinta, hagaajinta iyo hirgalinta doorasho lagu qanci karo natiijadeeda".

"Madaxda Dowlad Gobolleedyada, ra’iisul wasaraha, beesha Caalamka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda waxaan ugu baaqaya iney dib u eegis lagu sameeyo sida ay hada wax ku socdaan, taas oo hadii aan la sixin dhaawici karta kalsoonidii lagu qabay in xilligan adag looga gudbo is ogol iyo doorasho la isku raacsan yahay," ayuu kusoo xiray.

Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirta soo xulashada kuraasta Aqalka Sare. Afarta maamul goboleed Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Puntland way doorteen. Kaliya HirShabellle ayaa harsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM