Guuleed oo soo bandhigay "xalka" qaddiyadda Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xalka qadiyada maamulka Somaliland wuxuu ku jiraan wadahadal aan cidna lagu qasbin, sidda uu ka dhawaajiyey musharax madaxwayne mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guuleed oo xalay marti ku ahaa Garowe Online Twitter Space ayaa daaha ka rogay in haddii uu xilka ugu sareeyo qabto uu ka shaqeyn doono sidii wadaxaajoodyadda u miradhali lahaayeen.

Qadiyadda Somaliland ayaa xalay waxay ahayd mida ugu saameynta badan doodii Garowe Online Twitter Space iyadda oo ciwaanka wadasheekeysigu ahaa doorka maamulada ee dowlad-dhiska dalka.

"Maqnaanshaha Somaliland waxay saameyn ku yeelaneysaa dhameystirka geedi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo qaab dhismeedka federaalka, waxaana hoosta ka xariiqayaa in tabashooyinkeeda la xaliyo si kasta oo aan loo kala go'in," ayuu Guuleed yiri.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ayaa u daray: "Qadiyada Somaliland waxay taabaneysaa qabyo-tirka dastuurka.  Waxaan aaminsanahay midowga uu ku imaan karo wadaxaajood aan cidna lagu qasbin".

Dhanka kale, Guuleed ayaa shaaca ka dhigay in haddii uu ku guuleysto tartanka madaxtinimada in haweenka ay door muhiim ah ku yeelan doonan dowlada uu soo dhici doono.

"Geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya wuxuu ahaan doonaa mid aan la dhammaystirin illaa inta dadku ka gaarayaan heer ay ku doortaan hoggaamiyayaashooda doorashooyinka dimoqraadiga ah," ayuu xusay.

Wasiirkii hore ee amniga dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in xaqiijinta maqaamka Muqdisho ay door fiican ay cayaari karto hagaajinta dowlad-dhiskeena.

Xaqiijinta Muqdisho, caasimadda, maqaamka ay ku leedahay Federaalka waa mid muhiim u ah dhismaha dowlad-dhiska Soomaaliya taasna waa in si gaar ah dareen loo siiyaa," ayuu tibaaxay.

"Xilka wasiirka amniga waxaan isaga casilay hal qarax oo 2014-kii ka dhacay afaafka baarlamaanka. [Balse], qaraxii gaariga xamuulka ee Muqdisho 2017-kii ku dilay dad ka badan 800 cidna iskuma casilin".

Ugu dambeyn, Guuleed ayaa ku baaqay in la dardargeliyo ololaha lagu goobayo doorasho daahfuran oo ka qabsoonto dalka illaa laga dhiibto codadka ugu dambeeya laguna wadda qanco natiijada kasoo baxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM