Guuleed: Puntland waxay mudan tahay ku dayasho

Image
Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyey coddeyn qof iyo cod shacabka Puntland u dareereen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu Facebook-giisa ku daabacay wuxuu ku bogaadiyey doorashada qof iyo codka ee ka bilaabatay Puntland.

"Daadajinta hannaanka dowladnimo, dimuqradiyenta iyo in  shacabka  dib loogu celiyo in ay go,aan ka gaaraan hogaamintooda, waa tallaabo ku dayasho mudan," ayuu yiri Guuleed.

Wuxuu raaciyey: "Doorashooyinka golayaasha  deegaanka ee saaka looga dareeray degmooyinka Qardo, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland waa bogaadinayaa, waana talaabo wanaagsan oo dhanka dimuqradiyadda iyo dowlad wanaagga loo qaaday".

"Waxayna tusaale cad u tahay in dalka laga hirgalin karo muddo kooban doorasho qof iyo cod ah, haddii uu jiro rabitaan iyo qorshe dhamaystiran oo hogaanka dalka la yimaaado," ayuu xusay.

Guuleed ayaa ku daray: "Puntland way ku  amaanatahay iyada iyo hoggankeeda siyaasadeed arinkaa. Waana in looga daydaa tallabadan u adeegaysa dawlad dhiska. Doorashadani waa tallaabo horumarineed  iyo muunad lagu dayan karo".

"Hannaanka matalaada ee doorashada tooska ah ku timaada waxay horey u marin kartaa kalsoonida shacabku ku qabo  dawladda. Waxay xoojinaysaa sharciyada dawlada.Waxayna soo noolaynaysaa dhaqan wakhti hore naga burburiyay oo aan mar Afrika horumuud ugu ahayn waa dhaqanka dimuqraadiyada," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Doorashada horudhaca ah ee goleyaasha degaanka ee saaka ka bilowdey Puntand waxaa ku bartamaya sideed urur siyaasadeed kuwaasoo hal bil oo olole ah kadib maanta sugaya natiijo ka qoslin doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM