Guuleed: Qoorqoor wuxuu noqdey wasiir ka tirsan DF

Image
Breaking News

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], ayaa ku milmay dowladda federaalka xilli xaaladaha amni ee degaanada uu ka arimiyo ay faraha kasii baxayaan, sidda uu sheegay Agaasime ku xigeenkii hore ee mukhaabaraadka dalka Soomaaliya, Cabdisalaam Guuleed.

Mr Guuleed ayaa xusay in Qoorqoor uu todobaadkan sababo amni darted uga degi waayey garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb isla markaana uu ka degay Gaalkacyo "halkaasoo aan u maleynayo in uu dhulka soo mari doono".

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan ka tirsanaa hay'adda sirdoonka qaranka, maleyshiyada Al-Shabaab ayaa ku sugan meel dhowr 1 KM u jirta garoonka diyaaradaha caasimada dowlad goboleedka Galmudug "oo beylah ku jirta waxayna habeen walba weerartaa ciidamadda Jabuuti ee halkaas ku sugan".

Ciidamadda Galmudug oo dhowr jeer la sheegay in ay qaadayaan guluf ka dhanka ah Al-Shabaab ayuu carabka ku dhuftay "in aysan meelna isku sheegin".

"Madaxweyne Qoorqoor wuxuu hadda kusoo uruuray – amni iska dhaafee iyo madaxweyne 11 qabiil [iyo] degaan aad u weyn, wasiiro iyo goley baarlamaan leh matala – in uu noqdo wasiir ka tirsan dowladda federaalka. Waxaan marka is-iri madaxweyne Qoor-qoor ma fahamsana ama wuxuu kala garan la'yahay markii wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha uu ka ahaa dowladda federaalka iyo maanta oo uu yahay madaxweyne masiir weyn ku leh Ummadda Soomaaliyeed," ayuu u sheegay telefishinka xaruntiisu tahay Muqdisho ee Goobjoog.

Dhanka kale, xafiiska Qoor-qoor iyo madaxtooyadda Galmudug ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka Mr Guuleed kamana jawaabin codsi loo diray.

Qoor-qoor, oo ay wehliyaan madaxda ugu sareysa Galmudug oo gabi-gooda ku yimid doorashooyinkii Villa Soomaaliya ay faragelisay, ayaa waqtigooda ugu badan ku qaatay Muqdisho iyo ka shaqeynta soo laabashada Farmaajo.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa ku fashilmay waan-waan uu isagu codsaday taasoo uu rabay in uu kusoo afjarayo khilaafka hadda ka taagan doorashooyinka una dhaxeeya dowladda iyo afhayeenka Aqalka Sare, Puntland, Jubaland iyo musharaxiinta oo dhamaan isku-dhinac ah.

Saddex qodob oo kala ah; ciidamada la geeyay gobolka Gedo, habraaca xulista wakiilada Somaliland iyo guddiyada xukuumada magacowdey ayaa asal u ah is-faham-waaga.

Kahor inta uusan xilka la wareegin Qoor-qoor, sidda uu sheegay Guuleed, amniga qaybo kamid ah Galmudug wuxuu ahaa mid la isku lahayn karo, waxaana uu intaas ku daray in ay sababteeda ay leeyihiin ciidamadii Ahlu Sunna "oo ahaa dadkii ugu horeeyay ee iskood ula diriray kana laayey saraakiil dhowr ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM