Hab-dhaqanka ilaalada Villa Somalia oo si wayn loo dhaliilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshadda ee Gollaha Aqalka Sare, Axmed Maclin Cumar [Nadiir] ayaa daboolka ka qaaday in Ilaaladda Madaxtooyadda Qaran ay si "fool xun" ula dhaqmaan mas'uuliyiinta kala duwan ee dalka.

Senator Nadiir ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha ka tirsan dowladda ay dhibaato wayn ku qabaan gelitaanka dhismaha dalka loo arrimiyo, isagoo ugu baaqay Taliyaha Ciidamadda Illaalada Villa Somalia inuu wax ka qabto dhibaatooyinkaan uu sheegayo.

"Waa loo wada siman yahay dhibaatadda ka taagan gelitaanka Madaxtooyadda. Xilldhibaan, Wasiir iyo qof walba oo mas'uul dowladeed ah. Adigoo Aqoonsigaaga aadan lasoo ordin oo aadan u geynin Askariga ma geli kartid," ayuu yiri Nadiir.

Senator-ka ayaa ku sifeeyay ficilada Askarta ilaalisa Villa Somalia "dhaqan mooriyaan" isagoo ugu baaqay taliskooda in qaabkan wax laga bedelo, islamarkaana la xushmeeyo mas'uuliyiinta kala duwan ee dowladda.

"Iyadoo laga yaabo in Wasiirka ama Xilldhibaanka uu isaga kaligii wato Gaariga ayaa Aqoosigiisa laga doonayaa in sida isagoo mooriyaan Isbaaro fadhiya lacag u geynaya oo kale inuu halka uu fadhiyo ugu tago," ayuu Xilldhibaan Nadiir hadalkiisa raaciyay.

Dhibaatada ka taagan gelitaanka Madaxtooyadda ayaa sii kordhaysay tan iyo markii Fahad Yaasiin, laga dhigay agaasiimaha Villa Somalia, isagoo is-hor istaag ku sameeya xubnaha uu arko inay kasoo horjeedaan siyaasadda dowladda.

Hadalka Xilldhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu Villa Soomaaliya uu si KMG ah uga guurey, sababo dhan amaanka ah, taasoo ka dambeysay weeraro culus oo ka dhacay Nawaaxiga Madaxtooyadda 14-kii bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM