Habraaca doorashada kuraasta Somaliland oo la faafiyey

Image
Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa si wadaji ah u soo saarey habraacan aadka loo sugaayey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa si wadajir ah u soo saarey habraaca doorashada xubnaha Aqalka Sare ku metelaya gobolada waqooyi, sida ku xusan qoraalkan uu faafiyey Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ee 2020-2021.

Guddoomiyaha Aqalka Sare baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta ayaa horey ugu heshiiyey in ay si wadajir ah u wada maamulaan geedi-socodka doorashooyinka kuraasta Somaliland.

Labada dhinac ayaa "si buuxda ugu heshiiyay in la soo afjaro khilaafkii u dhaxeeyay, in la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashooyinka heer Somaliland, in la soo gabagabeeyo is-kooxeysigii iyo abaabulkii u dhaxeeyay siyaasiyiinta iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo hirginta doorashada kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda Somaliland".

Mucaaradka ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskaas. Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble wuxuu ku tartarsiiyey in ay si deg-deg ah u guda galaan sidii dhameystiri lahaa geedi-socodkan.

Xubnaha Somaliland ku metela baarlamaanka federaalka ayaa aalaaba waxaa lagu doortaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho maadaama aysan tagi karin degaanadooda.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay dowlada federaalka ah balse waxay dunida u aqoonsan tahay maamul hoostaga xukuumada Muqdisho.

Qadiyadda kuraasta Somaliland ayaa kamid ahayd arrimaha is-mari-waaga ugu culus uu ka jiray guud ahaan doorashooyinka dib-u-dhaca weyn uu ku yimid ee Soomaaliya taasoo qorshuhu ahaa in ay dhacdo dhamaadka sanadkii hore 2020 illaa horaanta 2021.

Hoos ka akhriso qoraalka habraaca

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM