​Hakad laga galiyay suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somaliya- Suuqa Labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee  caasumadda Somaliya dadkuna aad uga dukaamaystaan ayaa maanta hakad la galiyay, sida ay xaqiijiyeen wararka laga helay dadka deegaanka iyo saraakiisha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Xarunta Labaad ee ugu weyn ganacsiga Muqdisho ee loo yaqaano Suuq bacaad ayaa hakad ku jiray maanta, kadib amar kasoo baxay maamulka degmada Yaaqshiid sida ay sheegeen ganacsatadu, waxaana arrintan la xariirta dil shalay ka dhacay goobtaas.

Dablay hubaysan ayaa dishay mid kamid ah ciidamada aruuriya Canshuuraha ee loo yaqaano Minishiibiyada, taasoo keentay in suuqa ganacsigiisa la  xanibo.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa lagu waramay inuu bixiyay amarka lagu xayiray dhaq-dhaqaaqa ganacsiga.

Dad goob joogayaal ah oo la hadlay GO, ayaa sheegay in xarigan sabab looga dhigay in dadka ka xamaasha suuqa ay arkayeen dilka loo gaystay askarigaas islamarkaana aysan ka fal celin.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilkii loo gaystay Askarigan oo katirsanaa shaqaalaha Canshuuraha dowladda hoose, waxaana su’aalo la weydiiyay qaar kamid ah dadkii ku ganacsanayay suuq Bacaad. Cid loo soo qabtay majirto dilka Askariga.

Suuqan oo xiriir la leh kan ugu weyn caasumadda Somaliya ee Bakaaraha, ayaa xirnaanshihiisa aad loo dareemay, waxaana inta badan ku xirnaa baabuurta aada gobollada dalka iyo qayb kamid ah shacabka Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM