Halis ay wajahayaan xoolaha Soomaaliya oo laga qaylo-dhaamiyey

Image
Xoolaha ayaa kamid ah ilaha uu dhaqaalaha ugu badan kasoo galo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa Isniinta maanta ah waxa uu xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa.

Wasiirka koowaad ayaa sheegay in "Golaha Xukuumaddu ay ka sugayaan Wasaaradda soo gudbinta siyaasadda qaran ee lagu badbaadinayo Xoolaha Soomaaliyeed".

Xamse ayaa xusay in dalkeennu uu ku jiro mid ka mid ah abaarihii ugu dabo-dheeraa gobolka "haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-deg ah oo lagu badbaadinayo xoolaha Soomaaliyeed ay sanadaha dhow dabar go'ayaan".

Ra'iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay ahmiyadda xooluhu ay u leeyihiin nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, Xukuumadduna ay mudnaan siineyso sidii xal waara loogu sameyn lahaa dhibaatooyinka soo food saara xoolo-raacatada oo ay ugu horreeyaan dalag yarida iyo biyo la’aanta .

Munaasabadda xarig jarka Dhismaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM