Halista xilliyada kala guurka loo maleego kheyraadka Soomaaliya

Image
Madaxda xilalka haya ayaa isku daya in ka abuurtaan ay dhaqaale ay doorashadda ku galaan.

GAROWE, Puntland - Ku dhowaad muddo sanad ah, Soomaaliya oo burbur kasoo kabaneysa ayaa dhex-dabaalaneysa hubanti la'aan iyo xasilooni darro siyaasadeed doorashooyinka heer qaran oo daahay awadeed.

Wali ma cadda waqtiga saxda ah ee doorashooyinka soo gabagaboobayaan. Saddex jeer oo jadwal la sameeyay midna si sax ah uma dhaqan-gelin. Tani sii xoojisay daganaanshiyo la'aanta.

Maadaama dalku wali ku tiirsan yahay taageerada caalamka, qaar kamid ah deeq-bixiyeyaasha ayaa dhimay taakulada. Tani waxay hoos-u-dhigtey dakhliga sarrena u qaadey qiimaha nolosha.

Dowladda ayaa dhowr jeer si aan toos ahayn waxay kaga cabatay dhaqaale la'aan. Wasiirka maaliyaddu Cabdiraxmaan Bayle wuxuu caddeeyay in dhaqaalaha dalka marayo "sagxadda".

Dhawaqan ayaa soo cusbooneysiiyey cabsida laga qabo in madaxda dalka ay xaraashaan kheyraadka dalka isla markaana ay heshiisyo aan sharci ku fadhin la galaan hay'addo ama shirkado caalami ah.

Walaacaas ayaa sii karaar-qaatay ka gadaal markii Guddiga Wasaaradaha u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka Dalka uu si hal dhinac ah u meelmariyey heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka iyo kheyraadka dalka. Sidoo kale, wafdi ka socdey dowladda federaalka ayaa ka qeybgalay Shirka  Africa Oil Week 2021.

Dowladda Puntland oo kasoo horjeesatay shirkaas ayaa uga digtey dowladda federaalka iyo shirkadaha caalamiga ah in ay waqtigan kala guurka ah kala saxiixdaan heshiisyo aan sal sharci ah lahayn.

"Dowladda Puntland waxay ka digaysaa in dowladda muddo xileedkeedu dhamaado ay xilligan gasho heshiisyo aan waafaqsaneyn sharciga ee lagu xaraashayo kheyraadka waddanka kaasoo ay ka dhalan karto xasilooni darro," ayay tiri.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Sidoo kale, dowladda Puntland waxay uga digaysaa shirkadaha caalamiga ah in aysan heshiis sharci darro ah la gelin dowladda waqtigeedu dhamaado".

Kheyraadka aan laga faa'idieysan ee Soomaaliya waxaa ugu caansan shidaalka iyo gaaska cayrinka ah. Madaxda federaalka ayaa xilliyadan oo kale diirada saara mawduucan si ay uga helaan dhaqaale olole ay ku galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM