Halkee laga leeyahay diyaaradii ka dagtey Kismaayo?

Image

KISMAAYO - Kadib markii maalintii shalay diyaarad sida Maxaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka dagtey magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah Jubaland ayaa waxaa warar kala duwan ka soo baxayaan cida iska leh diyaardaan.

Diyaaradaan, oo sida la sheegey aan fasax ka haysan laanta hawada Soomaaliya taasoo maamulkeedu hoos yimaado Dowlada Federaalka ah ayaa maamulka Jubaland xusey iney soo iibsadeen kadib markii cunaqabteyn xaga cirka ay saartey Villa Soomaaliya.

Dowlada Federaalka oo aan weli wax war ah ka soo saarin in diyaardaas ay ku soo xadgudubtey hawada dalka Soomaaliya iyo in kale ayaa lahaanshaheeda xogaha ka duwan kuwa Jubaland sheegtey waxay tibaaxayaan iney ka diwaan gashan tahay shirkad fadhigeedu yahay dalka Kenya.

Xogahaan ayaa sheegaya in shirkada diyaaradaan oo numberkeeda yahay Reg No. 5y JXJ ka diwaan gashaneyd shirkad la yiraahdo Skyward Express balse hadda ku jirin gadiidka cirka ee magaceeda ku duula.

Dhinaca kale warar kale ayaa xusaya in diyaaradaan numberkeeda lagu sheegey Reg No. 5y JXJ ka diwaan gashan tahay Juba Airways.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhamaan shirkadahaas iyo Dowlada Federaalka marka laga reebo sheegashada maamulka Jubaland ee ah iney soo iibsadeen diyaaradaan.

Cunaqabateynta dhinaca diyaardaha ay dowlada Federaalka saartey Jubaland ayaa waxaa cambaareeyey maamulka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, xisbiyada mucaaradka ah iyo siyaasiyiin kale.

GAROWE ONLIN

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM