​Hanti ku bur-burtay dab ka kacay Suuqyo ku yaal magaalada Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Hanti xooggan ayaa gubatay kadib markii maanta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, dab qabsaday labo suuq oo ku kala yaalla Bakaaraha iyo degmada Dharkaynley.

Goob joogayaal kala duwan oo la hadlay Garowe Online, ayaa cadeeyay in dabku ka kacay meherado shaaha lagu iibiyo oo ku yaalla suuqyadaas.

Dab qabsaday suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha ayaa khasaaraha ugu badan ka dhashay, waxaana sawirro laga soo qaaday muujinayaan dhibka soo gaaray dadkii hantida kulahaa goobahaas.

Xarumahaasi ayaa lagu iibin jiray badankooda kabaha iyo dharka, waxaana la sheegay inay gubteen badankood waxyar maahane.

Gaadiidka dad damiska ee shirkadda is-gaarsiinta Hormuud iyo kuwo gobolka Banaadir ayaa ka qayb qaadanayay daminta dabkaas iyadoo dadaal dheer kadib lagu guulaystay inuusan kusii fidin qaybaha kale ee magaalada.

Dhinaca kale dab-qabsaday suuqa Boocle ee degamada Dharkaynley ayaa la xaqiijiyay inuu dhinaca baaxadda ka yaraa kan Bakaaraha, balse la cadeeyay in hanti badan ku bas-beeshay.

Dhacdadan, ayaa timid xilli inta badan goobaha ganacsiga aysan lahayn xadad kala jiheeya iyadoo la arkayo goobo shidaal oo ka agdhowyihiin meherado cuntada lagu kariyo taasoo keentay in dhibaato ka dhalato marark qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM