Hantida xubno uu ku jiro Xasan Daahir Aweys oo la amray in lala wareego

Image

LONDON, UK – Xasan Daahir Aweys iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ayaa kasoo muuqdey liiska 330 qof kuwaasoo dowlada Ingiriiska ay amartay in lala wareego hantidooda, sidda uu wariyey bogga The Financial.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, xubnahaan oo ay kamid yihiin ajaaniib u badan Carab waxaa lala xiriirinayaa ururada Al-Qaacida iyo Daacish.

Magacyadda kale ee Soomaalida ah ee kasoo muuqdey liiskan waxaa kamid ah; Maxamed Cabdullaahi Ciise kaasoo lagu waramay in bishii April ee sanadkii 2009-kii in laga soo musaafuriyey gudaha wadanka Britain.

Warbixinta ma aysan fahfaahin hantida ay leeyihiin oo lagala wareegayo shaqsiyaadkan balse waxaa lagu eedeeyay in ay kooxahaan argagixisada ah u fidiyaan taageero dhanka maaliyada iyo sahayda ah.

Mr Aweys oo haatan xabsi guri ugu jira Dowlada Soomaaliya isla markaana dowladii milatariga korneyl ka ahaa ayay warbixintu sheegeysaa in uu u diiwaan-gishan yahay kooxaha hubeysan ee Daacish iyo Al-Qaacida.

Goobta uu kaga xiran yahay Muqdisho ayuu si joogta ah uga soo duubaa muuqaalo uu kaga hadlayo arrimaha taagan sidda siyaasada.

Mudadii u dhaxeysay June 2006 illaa September 2007, gudoomiyaha golaha dhexe ee Midowgii Maxaakiimta ayuu ahaa; July, 2008 wuxuu sheegtay madaxa ururkii Xisbul Islaam ee kasoo horjeeday dowladii ku meelgaarka.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2001-dii waxay 85-sano jirkaan ku dartay liisaska argagixisada caalamiga ah ee ay aadka u doon-dooneyso.

Bishii June ee sanadkii 2013-kii, Xasan Daahir Aweys waxaa laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo ay galbinayaan ciidamada dowladda kadib bilooyin uu baxsad ka ahaa maleyshiyadiisii hore Al-Shabaab.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM

Wadamada Islaamka oo ka dhiidhiyey xadgudubyada ka dhanka ah Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka lagu cambaareeyay Itoobiya.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:16AM