Haweenay baal-dahab ah ka gashay taariikhda Wasaarada Difaaca XFS

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Jihaan Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa loo magacaabay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, sida ku xusan wareegto.

Digreetada oo ku taariikheysan 1-da bisha August ee sanadkan 2019-ka kana soo baxday xafiiska Wasiirka Difaaca, Xasan Cali Maxamed [Amardambe] ayaa waxaa lagu ogeysiiyey dhamaan hay’addaha dowladda.

Inta la og-yahay illaa iyo haatan, Jihaan oo baal-dahab ka ah ka galeysa taariikhda Soomaaliya iyo Wasaarada ayaa noqoneysa haweenaydii ugu horeysay oo jagadaasi si rasmi ah loogu magacaabo.

Tani oo dhiirogelin siineysa gabdhaha wax bartay ayaa waxay kordhineysaa tirada haweenka ee xilalka muhiimka ah ka haya xukuumadda hadda jirta.

Sidda uu xeerinayo dastuurka qabyadda ah ee Soomaaliya, haweenka ayaa waxay ku leeyihiin hay’addaha dowladda qoondo gaareysa 30%.

Inkasta oo ay aad u dhaliilaan dumarka qoondadaasi loo qorsheeyay, haddana waxaa barbar socda olale balaaran oo ay ku doonayaan in ay ku kordhiyaan.

Sikastaba ha haaatee, fal-celin xoog leh isla markaana balaaran ayay baraha bulshadda ka dhex-abuurtay magacaabida Jihaan, wallow dadka ka hadlaya ay aragtiyo ismaandhaafsan ka bixinayaa.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM