Haweenaydii u horeysay oo loo doortey baarlamaanka 11aad

Image
Zamzam Ibraahim Cali ayaa hal wareeg kaga adkaatay Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim oo la tartameysay. [Screenshot Photo]

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Haweenaydii ugu horeysay ee kamid noqoneysa baarlamaanka 11aad ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu doortey magaaladda Baydhabo.

Fadhi ay soo xaadireen 92 xubnood oo kamid ah Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkan ayay Zamzam Ibraahim Cali hal wareeg kaga adkaatay Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim oo la tartameysay.

Sida uu shaaciyey guddoonka xeer-dejinta oo soo xiganaya guddiga maamulaya coddeynta , Zamzam ayaa heshay 81 cod, halka Shariifo ay u coddeeyeen 4, waxaana xumaadey 7 kale.

Zamzam ayaa sidoo kale waxay noqoneysaa Senatorkii shanaad ee illaa haatan ku guuleystay xubinimadda Senate-ka kadib markii todobaadkii hore afar kursi lagu doortey magaala madaxda Jubaland.

Sidoo kale, Zamzam waxay noqoneysaa Senatorkii saddexaad ee difaacdey kursigiisa labaduba doorashooyinka ka dhacay Kismaayo iyo Baydhabo oo xarun KMG u ah maamuladdan deriska ah.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa horey u difaacdey kursigooda. Balse, waxay uga duwan yihiin Zamzam in aysan gelin wax tartan ah ayna "u tanaasuleen musharaxiinta".

Waa tuma Zamzam?

Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10aad ee federaalka ayay ka tirsaneyd. Waa xubin ka tirsan Guddiyadda Awqaafta & Arrimaha Diinta iyo Haweenka. Wararku waxay sheegayaan in ay ku dhow dahay Villa Soomaaliya.

Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa durba waxay bilaabeen in ay hambalyo u diraan iyadda oo Cabdikarin Xuseen Guuleed uu noqdey tartamihii koowaad ee guusha Zamzam soo dhaweeya.

Qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in uu rajeynayo in ay qeyb ka noqoto isbedel dhanka hogaanka oo Soomaaliya ka dhaca afarta sano ee soo aadan.

"Hambalyo Senator ZamZam Ibarahin Ali oo noqotay senatorkii ugu horeeyay ee ka soo baxa dowlad gobaleedka Koofur Galbeed oo loo doorto xubinimada Aqalka Sare. Sidoo kale Zamzam waxay noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee ka mid noqoneysa Baarlamaanka 11aad ee 2021," ayuu ku yiri musharaxa madaxwayne.

Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa Senate-ka federaalka ku leh min 8 xubnood. Golahan wuxuu dastuurka qabyada ah xeerinayaan in ay metelaan danaha dowlad goboleedyadda shanta ah ee haatan ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM