Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xarun labaad ku yeelatay Kismaayo

Image
Image
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xariga kaga jaray dhismaha Xaruntan Cusub.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda xariga kaga jaray Xaruntan Cusub oo ah mida labaad ee meel ka baxsan Muqdisho ay hay’adu ku leedahay gaar ahaan Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay ahmiyada Xaruntan Cusub ay u leedahay shacabka reer Jubaland inay tahay mid weyn loona baahan yahay inay ka faa’iidaystaan maadaama xuduud dheer aan la leenahay dalalka Kenya iyo Itoobiya isla markana isku socdka bulshada ay qeyb weyn ka qaadanayso.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in dhawaan la furi doono xuduudka aan la leenahay Kenya taas oo shaqada Hay’adan wax badan kusoo kordhinaysa muhiimna u ah isku socodka bulshooyinka labada dhinac.

Masuuliyiinta hay’ada ayuu hoosta ka xariiqay looga baahan yahay inay adeegyada ay bixinayaan ay shacabka u fududeeyaan iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka shaqada ee saxda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM