Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xarun labaad ku yeelatay Kismaayo

Image
Image
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xariga kaga jaray dhismaha Xaruntan Cusub.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda xariga kaga jaray Xaruntan Cusub oo ah mida labaad ee meel ka baxsan Muqdisho ay hay’adu ku leedahay gaar ahaan Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay ahmiyada Xaruntan Cusub ay u leedahay shacabka reer Jubaland inay tahay mid weyn loona baahan yahay inay ka faa’iidaystaan maadaama xuduud dheer aan la leenahay dalalka Kenya iyo Itoobiya isla markana isku socdka bulshada ay qeyb weyn ka qaadanayso.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in dhawaan la furi doono xuduudka aan la leenahay Kenya taas oo shaqada Hay’adan wax badan kusoo kordhinaysa muhiimna u ah isku socodka bulshooyinka labada dhinac.

Masuuliyiinta hay’ada ayuu hoosta ka xariiqay looga baahan yahay inay adeegyada ay bixinayaan ay shacabka u fududeeyaan iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka shaqada ee saxda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM