Hay’adda Cunnada Aduunka: 4.3 Milyan oo Soomaali ah ayaa wajahi doona sanadkan “Gaajo Daran”

Image

WASHINGTON (GO) - Afar meelood meel ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayaa la filayaa in ay wajahaan “Gaajo daran” sanadkan sababo la xiriira abaaro iyo daadad ay sababeen isbeddelka cimilada, sida ay Talaadadii sheegtay Hay’adda Cunnada Adduunka.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay fatahaadda ka dhacay Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah ee Bariga Afrika ee ku barakaceen boqolaalka kun dhacdo qarni kasta hal mar dhacda.

"4.3 milyan oo qof (rubuc ka mid ah dadka) ayaa la filayaa in ay wajahaan gaajo ba’an dhammaadka sannadkan," ayuu yiri Pietroc Wilton, afhayeenka Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya.

"Abaarta iyo fatahaadaha ayaa sii dheereyn doona dhibaatada gaajada ee ka jirta Soomaaliya," ayuu raaciyay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegay in daadadka ka dhashay roobab xooggan oo billowday horraantii bishii Oktoobar ay dileen ugu yaraan 32 qof, halka ay in ka badan 456,800 oo qofna ay ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM