Hay’adda Duulista Rayidka oo xaqiijisay badqabka hawada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Hay’adda Duulista Rayidka ayaa qoraal kooban ku beenisay sheegashada Somaliland

Muqdisho, Soomaaliya - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa qoraal kooban ku beenisay sheegashada Somaliland ee ku aadan in hay’adda ay ku sigtay inay sababto isku dhaca laba diyaaradood oo ay leeyihiin Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways.

Qoraalka ayaa lagu yiri: “Waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya.”

َWaxaa intaasi lagu daray in aanay jirin amni xumo iyo “halis badqab” oo ka jira hawada Soomaaliya.

Diyaarad ay leedahay Qatar Airways oo ka timi Dooxa kuna socatay Uganda ayaa la sheegay in si khaldan ay u siiyeen xarunta hagidda diyaaradaha ee Muqdisho inay gaarto level-ka 40,000 feet.

Sida laga soo xigtay Hay'adda Duulista Somaliland diyaarada waxay isku beegnaayeen oo iska hor imanayeen diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines taas oo ka timid Addis Ababa kuna socotay Dubai.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM