Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay degamada Doolow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta gaarsiisay degamada Doolw ee gobolka Gedo shixnad sidday gargaar loogu talagalay dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmadaas.

Gaargaarka ayaa ka kooban 10 tan, lamana shaacin waxa ay kala yihiin, iyada oo ay ha’adda gaarsiisay dadka ay saameynta ku yeeshay daadadka ka dhashay Roobobka ka da’ay guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado.

Agaasimaha guud ee ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan, ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka magaalada ee ay saameeyeen fatahaada.

Magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka barakaceen dadkii dagnaa, ka dib markii ay ku soo rogamdeen daadad ka dhashay Roobabka ka da’ay magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM