Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image
Boqolaal kun oo Soomaali ah ayay saameyn ku yeelatay fatahaadda wabiga Shabeelle.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hey'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta 30 gaadiid oo sida shixnad gargaar mucaawino ah u dirtay deegaano hoostaga ee Maamulka Hirshabeelle .

Sidoo kale gargaarkaan ayaa waxaa wehliya Doon nuuca dheereysa oo loogu talagaly in dadka go'doonsan lagu badbaadiyo goobaha qaar ee aan gaadiidka tagi karina raashinka lagu gaarsiiyo.

Mucaawinadan iyo doontaan ayaa loogu talagalay in la garsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee sameenta ka soo gaartay Fatahaada wabiga Shabeelle ku nool gudaha degmada Mahadaay iyo tuuloyinka ku xeeran.

Boqolaal kun oo Soomaali ah ayay saameyn ku yeelatay fatahaadda wabiga Shabeelle, iyadoo hay’adaha dowladda ay ugu baaqeen ciddi awoodi karta inay gurmad u fidiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM