Hay’ado Soomaaliyeed oo hal Milyan ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Image
Boqolaal qoys oo Soomaali ah oo ku barakacay fatahaadda ayaa la ildaran baahi bini’aadantinimo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adaha Hormuud Foundation iyo Salam Somali Bank ayaa shir jaraa’id oo ay maanta qabteen ku shaaciyay inay garab taagan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadihii dalka ka dhacay.

"Daadadka uu waddanku arkayo waa kuwo aan horay loo arag, iyadoo ay biyuhu ka sara mareen daaraha, taasoo keentay burbur iyo khasaare ballaaran." ayaa lagu yiri shirka jaraa’id.

Labada hay’adood ayaa ku dhawaaqay in hal milyan oo dollar ah ay ugu deeqeen dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadaha, waxa ayna sidoo kale ka codsadeen bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan samata bixinta dadkaasi.

“Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa & dibadiisa waxaan ugu baaqeyna inay ka qeyb qaatan gurmadka dadkeena soomaaliyeed ee wajahya fatahaadahan ku dhuftay goboollo badan ee dalka ka mid ah.”

Boqolaal qoys oo Soomaali ah oo ku barakacay fatahaadda ayaa la ildaran baahi bini’aadantinimo oo ay ka mid yihiin biyo & cunto la’aan, iyadoo ay u sii dheer tahay la’aanta goobo caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM