Amniga Soomaaliya oo la taageeray in dib u habeyn lagu sameeyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maalin kadib markii askari Ameerikaan ah lagu dhaawacay ismiidaamin ay Al-Shabaab fulisay, Mareykanka ayaa wuxuu taageeray dib-u-habeyn lagu sameeyo hay'addaha ammaanka dalka Soomaaliya.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in musuqmaasuqa iyo nin jecleysiga uu hagal-daacinayo in masiirka nabad-gelyada Soomaaliya ay noqoto mid la isku haleeyo.

Weerarka lagu dhaawacay askariga Ameerikaanka ah oo ka dhacay degaanka Janaanay Cabdalla, duleedka Galbeed ee Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay sadex askari oo Soomaali ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in iska-hor-imaad lagu dilay hal dagaalame oo Al-Shabaab ah. Saraakiisha Soomaaliduna waxay wariyeen in khasaaraha argagixisada in uu intaas kasii badan yahay.

Sidda laga soo xigtay qoraalka safaaradda, dadka Soomaalida waxay u qalmaan in ay helaan hay'addo ammaan oo aan u jilcaneyn cadowgooda.

"Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeynta hay'addaha ammaanka taasoo mustaqbal ifaya u horseedeysa Soomaaliya iyo Soomaalida. Musuqmaasuqa iyo nin-jecleysiga wuxuu carqaladeynayaa horumarka dib u habeynta, wuxuuna wiiqayaa ammaanka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xoojinayaa awooda cadowga Soomaaliya," ayay tiri.

Inkasta oo Washington kamid tahay dowladaha ka caawiya Soomaaliya in ay sugto ammaankeeda iyo dowladnimadeeda, haddana waxay ku jirtaa liiska wadamada diidey in qaranka laga qaado xayiraada dhanka Hubka.

Dhawaqa safaaradda ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka ku jiro mar-xalad kala guur ah iyo u diyaar-garow doorasho aan nooca wali lagu heshiin.

Halista ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya waa argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish. Falanqeeyeyaasha waxay rumeysan yihiin in isla xisaabtan la'aan ay qayb ka tahay arrimaha waddanka u nugliyey maleyshiyaadka hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM