Hay'adda FAO oo soo saartay digniin la xiriirta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan ururka Qaramadda Midoobay ayaa Isniinta maanta ah waxay soo saartay digniin ku saabsan fatahaadyo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Soomaaliya.

Fatahaayadda ayaa laga baqdin qabaa in ay sababaan webbiyadda Jubba iyo Shabelle maadaama ay biyo badan dhigeen kadib roobabka Deyrta oo ka curtay qaybo badan oo kamid ah dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay FAO oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, meelaha illaa iyo haatan laga soo wariyey fatahaadyadda waxaa kamid ah Mustaxiil, Kafaalo, Doolow iyo Luuq.

"Webiga Shabelle gaar ahaan qeybtiisa magaaladda Jowhar, caasimadda dowlad goboleedka HirShabelle ayaa ku dhow in uu qararka jebsado maadaama roobkii da'ay uu sababay biyo dhig xad-dhaaf," ayay tiri FAO.

Dadka ku dhaqan tuulooyinka ay maraan webiyaddaas ayaa waxaa lagu waaniyey in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah ayna sii raadsadaan goobo kale si ay gabaad uga dhigtaan marka ay daadadku yimaadaan.

Labadan webbi, oo ah kuwa ay ku tiirsan yihiin qaybo badan oo kamid ah oo Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa waxay ka yimaadaan waddanka deriska ah ee Itoobiya.

Dhibaatooyinka ka dhasha daadadka oo badankooda soo gaara dadka shacabka gaar ahaan kuwa Jiinka webbiyada ku nool ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo in ay ku waayaan hanti isugu jira Beero iyo Agabyo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM