Heshiiska badda ee Kenya u soo bandhigtay Hassan Sheikh muxuu yahay?

Image

NAIROBI, (GO) - Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay hindise heshiis laga gaaro xiisada badda ee gobolka, kaas oo loogu talagalay in lagu qaboojiyo muranka siyaasadeed  sii kordhaya ee u dhaxeeya Ethiopia iyo Somalia. Tani ayaa timi xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, uu yimid magaalada Nairobi maalintii Khamiista, taasoo muujineysa baahida loo qabo dadaallada diblomaasiyadeed.

Arrintan ayaa ka dhalatay markii Ethiopia ay heshiis ku saabsan isticmaalka qayb ka mid ah xeebta maamulka Somaliland ku saxiixday 1-da Janaayo, taasoo abuurtay xiisad diblomaasiyadeed oo culus. Heshiiska Ethiopia, oo tilmaamaya aqoonsi suurtagal ah oo ay siineyso Somaliland, ayaa la kulmay diidmo adag oo ka timid dowladda Soomaaliya, taasoo keentay cabsi laga qabo in xaaladda gobolka Geeska Afrika ay sii xumaato.

Jawaabta Kenya ee arrintan, oo ay kaashaneysa Jabuuti iyo Urur Goboleedka IGAD, ayaa soo jeedinaysa qorshe xakameynaya sida ay waddamada aan badaha lahayn u heli karaan marin biyood. Hindisahan ayaa ahaa ajendaha ugu weyn ee wadahadallada intii uu socday booqashada Madaxweyne Mohamud. 

Korir Sing’oei, oo la hadlay Reuters, ayaa faahfaahiyay ujeeddada heshiiska yahay in khayraadka badaha ka faa'ido Ethiopia, iyadoo isla markaas la ilaalinayo madaxbannaani dhuleedka Soomaaliya. Wuxuu xusay in qorshahan uu muhiim u yahay ka hortagga in murankan uu isu beddelo iska horimaad goboleed oo ballaaran.

Wadahadalladan ayaa ujeedadoodu tahay in la helo isfahamkaas oo aan kaliya xallin doonin arrimaha degdegga ah balse tusaale u noqon kara wadaagga khayraadka badda ee gobolka.

Somalia iyo Ethiopia labadaba waxay ka fiirsanayaan soo jeedinta Kenya, iyadoo madaxdooda loo soo bandhigay inay sii wadaan wadahadallada si loo dardargeliyo geeddi-socodka in xal la helo . Baahida loo qabo wadahadalladan ayaa sii kordhaya maadaama kooxda Al-Shabaab ay adeegsaneyso xiisaddan si ay u muujiso dowladda Soomaaliya mid aan awoodin inay difaacdo madaxbannaanideeda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 11:08AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo ku heshiiyay is-dhaafsiga maxaabiista

Golaha Wasiirada ayaa Khamiista maanta ah meelmariyay heshiiskan oo ka kooban afar qeybood.

  • Soomaliya

    02-05-2024

  • 09:14AM