Heshiiska gaashaandhigga Soomaaliya iyo Masar oo la meelmariyay

Image
Shirkii degdeg ahaa ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu meelmariyay wallow xukuumadda aysan shaacin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa meelmariyay heshiis dhanka gaashaandhiga ah oo ay Dowladda Federaalka ah la gashay dhigeedda Masar, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Heshiiskan ayaa, sidda ay xogta tilmaameyso, waxaa lagu ansixiyey shirkii degdeg ahaa oo habeenkii Sabtida magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xubnaha Golaha Xukuumadda Federaalka ah.

Illo wareedyo ku dhow xukuumadda ayaa xaqiijiyey in heshiiskan uu si degdeg ah u dhaqan-galayo balse lama ogga haddii la marsiin doono Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaanan la garan karin sababta xukuumadda federaalka u shaacin weyday ansixinta heshiiskan kaas oo aan ku jirin faafinta rasmiga ah ee shirka ay yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2024 oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud booqdey Qaahir ayuu heshiiskan la galay maamulka uu hogaamiyo madaxwayne Cabdel Fataax Al-Siisi.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya su'aallo iyo tuhun la xiriira in buuqa la kiciyey ee xilka ra'iisul wasaare ku xigeenka labaad uu ahaa isku-day la doonayay in dadweynaha looga qariyo ansixinta heshiiskan.

Heshiiska dhanka difaaca ee dhexmaray Soomaaliya iyo Masar ayaa imaanaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uu xun yahay sabab la xiriirta IN dowladda Itoobiya ay is-afgarad la gashay maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM