Heshiiska gaashaandhigga Soomaaliya iyo Masar oo la meelmariyay

Image
Shirkii degdeg ahaa ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu meelmariyay wallow xukuumadda aysan shaacin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa meelmariyay heshiis dhanka gaashaandhiga ah oo ay Dowladda Federaalka ah la gashay dhigeedda Masar, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Heshiiskan ayaa, sidda ay xogta tilmaameyso, waxaa lagu ansixiyey shirkii degdeg ahaa oo habeenkii Sabtida magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xubnaha Golaha Xukuumadda Federaalka ah.

Illo wareedyo ku dhow xukuumadda ayaa xaqiijiyey in heshiiskan uu si degdeg ah u dhaqan-galayo balse lama ogga haddii la marsiin doono Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaanan la garan karin sababta xukuumadda federaalka u shaacin weyday ansixinta heshiiskan kaas oo aan ku jirin faafinta rasmiga ah ee shirka ay yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Bishii Janaayo ee sanadkan 2024 oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud booqdey Qaahir ayuu heshiiskan la galay maamulka uu hogaamiyo madaxwayne Cabdel Fataax Al-Siisi.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya su'aallo iyo tuhun la xiriira in buuqa la kiciyey ee xilka ra'iisul wasaare ku xigeenka labaad uu ahaa isku-day la doonayay in dadweynaha looga qariyo ansixinta heshiiskan.

Heshiiska dhanka difaaca ee dhexmaray Soomaaliya iyo Masar ayaa imaanaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uu xun yahay sabab la xiriirta IN dowladda Itoobiya ay is-afgarad la gashay maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM