Heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika oo la horgeeyay Golaha Shacabka

Image
Heshiiskani ayaa dhaqan galaya marka ay ansixiyaan xubnaha Goalaha Shacabka.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamuhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika, oo soo gudbiyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaraadda Arimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal.

Heshiiskani wuxuu dhaqan galayaa marka ay ansixiyaan xubnaha Goluhu, waxaana xeer-hoosaadka golaha uu go’aaminayaa in heshiis kasta oo golaha la horgeeyo aan waxba laga bedeli karin.

Mudanayaasha Golaha ayaa isku maan dhaafay heshiiskan, xilli qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in la ansixiyo, halka dhinaca kalena ay dalbanayaan in lifaaqa heshiiska la horgeeyo golaha si ay dib u eegis ugu sameeyaan.

Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibadda ayaa xildhibaanada uga warbixiyay muhiimada uu leeyahay sharciga ku biirirsta ururka Bulshada Bariga Afrika.

Faa’iidooyinka uu leeyahay heshiika ayaa ka mid ah in la ballaaryo fursadaha ganacasi ee horyaalla ganacsatada Soomaaliyeed si ay u helaan suuq Cusub oo ay ku mideysan yihiin boqlaal Milyan.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa la sheegay inuu leeyahay faa’iidooyin siyaasadeed, oo ka mid ah in dowladdu ay awood u yeelanayso inay isaga difaacdo damaca iyo ficillada Itoobiya.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka ayaa fartay Xoghaye ku-Xigeenka ee Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Cabdi (ciyow) in uu heshiisan ku wareejiyo Guddiyada ku shaqada leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM