Heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika oo la horgeeyay Golaha Shacabka

Image
Heshiiskani ayaa dhaqan galaya marka ay ansixiyaan xubnaha Goalaha Shacabka.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamuhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika, oo soo gudbiyay Wasiir Ku Xigeenka Wasaraadda Arimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal.

Heshiiskani wuxuu dhaqan galayaa marka ay ansixiyaan xubnaha Goluhu, waxaana xeer-hoosaadka golaha uu go’aaminayaa in heshiis kasta oo golaha la horgeeyo aan waxba laga bedeli karin.

Mudanayaasha Golaha ayaa isku maan dhaafay heshiiskan, xilli qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in la ansixiyo, halka dhinaca kalena ay dalbanayaan in lifaaqa heshiiska la horgeeyo golaha si ay dib u eegis ugu sameeyaan.

Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Dibadda ayaa xildhibaanada uga warbixiyay muhiimada uu leeyahay sharciga ku biirirsta ururka Bulshada Bariga Afrika.

Faa’iidooyinka uu leeyahay heshiika ayaa ka mid ah in la ballaaryo fursadaha ganacasi ee horyaalla ganacsatada Soomaaliyeed si ay u helaan suuq Cusub oo ay ku mideysan yihiin boqlaal Milyan.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa la sheegay inuu leeyahay faa’iidooyin siyaasadeed, oo ka mid ah in dowladdu ay awood u yeelanayso inay isaga difaacdo damaca iyo ficillada Itoobiya.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka ayaa fartay Xoghaye ku-Xigeenka ee Golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Cabdi (ciyow) in uu heshiisan ku wareejiyo Guddiyada ku shaqada leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM