Hindiya oo digniin kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Image

NEW DEHLI, India – Hindiya ayaa ugu baaqdey hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay yeeshaan wadahadalo dhex-gal ah oo ay kusoo afjarayaan caqabadaha sababay dib-u-dhaca doorashooyinka madaxtooyadda iyo baarlamaanka.

Isaga oo ka hadlayey fadhigii Golaha Ammaanka ee Isniintii, danjiraha India ee UN-ka, ayaa rajeeyay in madaxda Soomaalida ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku gaaraan is-afgarad ayna dalka ugu dareeriyaan doorashooyinka.

TS Tirumurti ayaa cod dheer kaga codsaday Soomaalida in ay "mar-xaladdan kala guurka ee muhiimka ah aysan u durbaan tumin rabashaddo".

"Taas bedelkeeda, waa in ay dhiirageliyaan wadahadalka iyo dib-u-heshiinta," ayuu hadalkiisa ku daray ergayga oo kalsooni ka muujiyey arrintaasi.

"Ku lamaa shakiga ku aadan in doorashooyinka aysan qabsoomeyn uu sii xoogeysto, waxaa sii cuslaaneysa xaaladda," ayuu tibaaxay ergayga.

Sidda laga soo xigtay diblumaasiga, Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee waddanka ka jira ayaa mar walba oo dib-u-dhac ku yimaado doorashooyinka waxay u tahay faa'iido, taas oo dhaawaceysa guusha dimuqraadiyadeed ee la gaarey.

Qaylo-dhaanta Hindiya ayaa xoojineysa dhawaaqyo maalmihii lasoo dhaafay kasoo yeerayey xubno kamid ah Beesha Caalamka kuwaas oo hogaanka Soomaalida ku boorinayey in ay miiska wadaxaajoodka ku dhameeyaan is-qabqabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM