Hirshabeelle oo Gudoomiye Cusub u magacawday gobolka Hiiraan

Image
Dhawaan waxaa magaalada Beledweyne ka dhacay dagaal salka ku haya maamulka gobolka Hiiraan

Beledweyn, Soomaaliya - Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa wareegto madaxweyne xilka uga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed Maalin, isaga oo u magacaabay xilkaasi Muuse Salaad Wehliye.

Xil ka qaadistan ayaa kusoo beegmeysa xilli Ciidamo sheeganaya maamul lagu magacaabo “Hiiraan State” ay la wareegeen Xarumaha dowladda ee ku yaala magaalada Beledweyne.

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay habka ay dowladda Hirshabeelle u maaraynayso tabashada Bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Dagaal afeed ka dib, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u muuqda inuu wax ka beddelay habaka oo ku wajahayay Kacdoonka looga soo horjeedo, Xilli ay soo dhawdahay doorashada madaxtinimada.

Dhawaan ayay ahayd markii uu dagaal u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo Meleeshiyaad ka soo horjeeda, ka qarxay magaalada Beledweyn, halkaas oo ay ku dhinteen 6 qof.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM