HirShabeelle oo ka hadashay qaadka laga dajiyay Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulka HirShabeelle ayaa looga hadlay tallaabada ganacsatada jaadka ay ugu soo wareejiyeen diyaaradahoodii ka dagi jiray Muqdishu magaalada Jowhar.

Qoraalkan oo uu soo saaray wasiirka wasaaradaas Mahad Hassan Osmaan, ayuu ku sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabadan oo uu xusay inay u arkaan maalgalin hor leh.

Wuxuu sheegay iyagoo ka duulaya ajandahooda hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha HirShabeelle, inay soo dhaweynayaan cid kasta oo maalgashan doonta deegaanada maamulkaas islamarkaana si dhow ula shaqayn doonaan.

Taageerada HirShabeelle ee dhinaca Jaadlayda ayaa kusoo aadaysa xilli caasumadda Somalia looga kordhiyay canshuurtii laga qaadi jiray.

Sababta kordhinta waxa faah faahin ah cidna kama bixin, balse waxaa wararku intaas ku darayaan in is-fahmi waa uu dhaxeeyo dadka lasoo daga Qaadka iyo wasaaradda Maaliyadda Somalia.

Lama oga inta uu qaadku kasoo dagi doono magaalada Jowhar, balse waxaa maanta Muqdishu lagu geeyay gawaari.

Jaadka ayaa dadka Somaliyeed ku bixiyaan kharasha ugu badan, waxaana maalin kasta soo gaara gudaha dalka Diyaarado Qaad sida oo dhinaca Kenya ka yimaada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM