HirShabeelle oo walaac ka muujisay bixitaanka ciidamada AMISOM

Image

MUQDISHO, Somalia - eMadaxwaynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta oo Axad ah la kulmay madaxa howlgalka AMISOM ahna wakiilka Midowga Afrika u jooga dalka ee Francisco Madeira.

Kulanka labada mas'uul ayaa diirada lagu saarey amniga degaanada maamul goboleedka, xoojin gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo waliba qorshaha kala guurka ah bixitaanka AMISOM.

Sida uu qabo qaraar kasoo baxay Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ciidamada nabad-ilaalinta u jooga wadanka ayaa lagu wadaa inay isaga hayaamaan dalka sanadka 2020-21-ka.

Waare oo shirka kadib u waramay warbaahinta ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu walaac ka qabo bixitaanka ciidamada shisheeye, isaga oo ka digay cawaaqib amni oo uu xusay inay ka dhalan karto.

"Aad ayay noo xanuun-jineysaa bixitaanka ciidamada, sababta oo ah ma haysano ciidamo noo buuxiya goobaha ay banaanayaan, waxaana ka cabsi qabnaa inay fursad unoqoto argagaxisada," ayuu yiri Waare.

Balse, Madaxwayne Waare ayaa carabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu ka shaqayn doono sidii loo dhaqan-gelin lahaa qorshaha kala guurka, isaga oo rajeeyay in la diyaariyo ciidamo Soomaaliyeed.

"Waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodno si aan u fulino qorshaha kala guurka," ayuu raaciyay Waare, kaasi oo marka uu wariyaasha la hadlayay uu dhinac taagnaa madaxa AMISOM.

Gabagabadii, Francisco Madeira, gudoomiyaha Guddiga midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kalsooni fiican ka muujiyay in marka ay dalka ka baxayaan si buuxda ula wareegaan amaanka guud ee wadanka.

Ciidamada AMISOM oo dalka yimid sanadkii 2006-dii ayaa tan iyo xilligaasi waxay ku guuldareysteen xasilinta wadanka, inkasta oo magaalooyin waawayn oo ay Muqdisho kamid ka xoreeyeen Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM