HirShabelle: Aabe, hooyo iyo lix caruur ah oo ku dhintey qarax

Image
Falkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Jicibow iyo magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan sideed qof oo ay ku jiraan lix caruur ah ayaa ku geeriyoodey Axadii kadib markii Mooto Bajaaj ay la socdeen ay haleeshay miino dhulka lagu aasay, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Jicibow iyo magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan kaas oo hoostaga dowlad goboleedka xaruntiisu tahay Jowhar ee HirShabeelle.

Ibraahim Cabdi Cali oo ka mid ah saraakiisha ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa tibaaxay in dadka la laayay ay ahaayeen labo qoys oo ku wada safrayay hal baabuur oo ku socday beerahooda.

“Aabbe, hooyo iyo lix carruur ah oo ka soo kala jeeda laba qoys ayaa maanta si naxdin leh ugu dhintay miino dhulka lagu aasay oo ay argagixisada (kooxda) Al-Shabaab ku aaseen meel u dhow waddada. Waa murugo iyo naxdin in xataa laga hadlo arrintan,” ayuu yidhi.

Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay "in dadka dambiyadaas ka galay dad rayid ah oo aan hubeysneyn in aan la ciqaabi doonin.

Buulaburde ayaa waxay 220 kiiloomitir (136 mayl) u jirtaa caasimadda dalka ee Muqdisho halkaas oo xasilooni ammaan laga dareemayay dhowrkii bilood lasoo dhaafay.

Inkastoo mas'uuliyiinta deegaanka ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay ka dambeeyaan qaraxa lagu aasay waddada dhinaceeda, haddana ma jirto cid ilaa hadda sheegatay mas'uuliyadda.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa "iyadoo Ciidanka Soomaaliya oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah ee amniga dalka ay sameeyeen howlgalo dhulka iyo cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ayna dileen in ka badan 40 argagixiso ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM