HirShabelle: Dad badan oo ku dhintey qaraxyo ka dhacay Maxaas

Image
Image
Image
Naftood haligeyaasha ayaa beegsadey aag ay ku dhow yihiin guriyo shacab balse uu ku yaallo guri ay degaan saraakiisha martida ah.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootey in ka badan 10-kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii laba qarax ismiidaamin ay ka dhaceen degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Naftooda-haligeyaasha ayaa beegsadey aag ay ku dhow yihiin guriyo shacab balse uu ku yaallo guri ay degaan saraakiisha martida ah.

"In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan," ayuu yiri sarkaal amni

Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Khawaariijta Al-Shabaab".

"Dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartey waa shacab," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Degmada Maxaas oo 308 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah xarumaha ay ka howlgalaan shacabka wada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM