HirShabelle: Dad la qafaashay oo madax furasho lagu daayey

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Illaa shan qof shacab ah oo maalmo kahor lagu qafaashay degaanada maamul goboleedka HirShabelle ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu waramay in madax furasho lagu sii daayey.

Sidda ay tabisay saxaafadda maxaliga ah, maleyshiyo hubeysan ayaa sababo la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal horey u dhacay waxay shantaas rayid ugala dageen gaari ay ugu socdaalayeen Maxaas iyo Beledwayne.

"Waanwaan ay garwadeen ka ahaayeen odayaal dhaqan ayaa kalkii dambe lagu sii daayey. Maleyshiyadii waxaa la siiyey qadar lacag ah," ayay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay illo wareedyo aysan magacaabin.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan afduubkaas oo illaa haatan kasoo baxay dowlad goboleedka ay xaruntiisu tahay magaaladda Jowhar.

Isku-dhacyadda beelaha, xiisadaha siyaasadeed iyo is-qabqabsiyada madaxda ayaa sanadihii lasoo dhaafay aad ugu badnaa gobolka Hiiraan, waxaana taas ay meesha ka saartay in dib-u-heshiisiin loo sameeyay dadka.

Tan iyo markii la doortey hogaanka cusub ee HirShabelle, gobolka Hiiraan waxaa ka jirtay xasarad siyaasadeed – taas oo dadweynaha uga soo horjeedo maamulkan ayaga oo dalbanaya in saamigooda "aan la afduuban".

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hogaanka maamulkaas loogu doortey rabitaanka Villa Soomaaliya, halka xigeen looga dhigay Yuusuf Dabageed oo Hiiraan kasoo jeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM