HirShabelle oo garoomo diyaaradeed ka mamnuucdey hubka

Image
Madaaraddan ayaa ku yaala magaalooyin martigelinaya doorashooyin Golaha Shacabka ah.

JOWHAR, HirShabelle – Wasaaradda Amniga HirShabelle ayaa mamnuucday in hub lala galo garoomada diyaaradaha magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar si loo adkeeyo amniga garoomada xilliga doorashooyinka dalka.

Qoraalka ka soo baxay maamulka oo uu arkay Garowe Online ayaa lagu sheegay "wasaaradda amniga HirShabeelle waxa ay Hay’adaha ammaanka gaar ahaan Booliiska & Nabadsugidda ku wargelineysaa in garoomada diyaaradaha Jowhar iyo Baladweyne laga mamnuucay hub lala galo laga bilaabo 15ka Janaayo, 2022".

"Waa lala xisaabtami doonaa cid weliba oo jebisa amarkaan," ayaa la raaciyay qoraalka ka soo baxay maamulka fadhigiisu yahay magaaladda caasimada ah ee Jowhar.

Sababta ka dambeysa amarkaan ayaa lagu qeexay in Jowhar iyo Baladweyne ay ku wajahan yihiin musharixiin, ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad iyo shaqsiyaad dano kale u tagaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Hir-Shabeelle waxa ay ku baaqday in lala shaqeeyo Hay’adaha ammaanka oo mas’uuliyad gaar ah ka saaran nabadgalyada garoomada diyaaradaha Jowhar iyo Baladweyne.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA

image.png

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM