HirShabelle oo ka gudbaysa mid kamid ah caqabadihii horyaalay

Image
Tani ayaa kusoo aadeyso iyada oo haatan HirShabelle ay guda-galeyso doorashada Golaha Shacabka.

BELEDWAYNE, Hiiraan – General Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo si weyn uga soo horjeeda maamulka HirShabelle ee fadhiisu yahay Jowhar ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal rasmi ah la galo maamulka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyada oo dardargaliyay dhamaystirka doorashada golaha shacabka.

Xuud oo ay laba dhinac ka taagnaayeen taliyaha ciidamada Dhulka Gneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya “xaqa ka maqan reer Hiiraan’ ay ku raadinayaan qaab wada-hadal ah.

"Dadow ha’isku sirmina ogaada in la dagaali karo, lana heshiin karo," ayuu ayuu ka sheegay shirkiisa jaraa’id isaga oo intaasi ku daray  "Cid walbaa og waxa naga maqan in la helo isaga ayey dan ugu jirtaa, annagay noogu jirtaa, Soomaali ayey ugu jirtaa, insha allah xaqaas waan keeneynaa".

Dhankiisa taliyaha ciidamada Dhulka oo ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu qaatay Xuud, si loo soo afjaro xiisadda bilihii lasoo dhaafay ka jirtay halkaasi.

Biixi oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday inuu Beledweyne u tegey sidii xal loogu helaa tabashada ay HirShabelle ka qabaan qaar ka mid ah bulshada reer Hiiraan.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso iyada oo haatan HirShabelle ay guda-galeyso doorashada Golaha Shacabka oo kuraas ka mid ah lagu qabanayo magaalada Beledweyne.

Si kastaba, xiisaddan ayaa sababtay in Beledweyne laga hor istaago madaxweyne Cali Guudlaawe oo aan weli booqan magaaladaasi, tan iyo markii loo doortay HirShabelle.

Xuud ayaa ahaa caqabada ugu wayn ee hortaalay maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe oo 2020 ku soo baxay doorasho ay Villa Soomaaliya si muuqata u faragalisay.

Baledweyne waxaa yaalla kursiga Hop#086 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir, kaas oo uu u sharaxanyahay Fahad Yaasiin Daahir oo Sep 6, 2021 laga cayriyay xilka agaasimaha NISA ka dib dilkii Ikraan Tahliin oo aheyd sarkaal ka tirsan hay’adda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM