HirShabelle oo ku dhow inay kala go'do xili muranka doorashada xoogeystay

Image

JOWHAR, HirShabelle – Is-qabqabsi ka taagan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada ayaa sababi kara in uu kala go'o maamulka HirShabelle kaasoo ku afar-sano jir-saday guul-darooyin siyaasadeed iyo horumar la'aan.

Muranka ugu weyn ayaa ka taagan xilka madaxweynaha oo ay isku haystaan bulshooyinka kala dega labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeella Dhexe.

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo ka falceliyey qorshe ay riixeyso Madaxtooyada Soomaaliya oo ah in sanadkan uu madaxweyne noqdo siyaasi kasoo jeeda Shabeellaha Dhexe ayaa ku hanjabay in ay go' doonnan.

Heshiiska awood-qeybsiga ee lagu yagleelay HirShabelle 2016-kii wuxuu xeerinayaan in madaxweynaha ay leeyihiin bulshooyinka gobolka Hiiraan, halka madaxweyne ku xigeenka la siiyey dhigooda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Reer Hiiraan ayaa xilkaas ku bedeshay caasimadda oo laga dhigay Jowhar; tani waxay ka dhigan tahay in Villa Soomaaliya ay jebineyso heshiiskaas.

Warar uusan wali si madax-banaan u xaqiijin GO ayaa sheegaya in Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo ay xilka madaxweynaha la goobeyso Cali Guudlaawe, oo ah ku xigeenka madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Madaxdan oo la doortey 17-kii October sanadkii 2016-kii ayaa muddo xileedkooda uu gabaabsi yahay, mana muuqato u diyaar-garow doorashooyin.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in ay daaha gedaashiisa ka socdaan gorgortan iyo wadahadalo aan la saadaalin karin max-suulkooda.

Madaxtooyada Soomaaliya oo riixeysa wadaxaajoodyadda socda ayaa la fahansan yahay in ay quudareyneyso sidii ay Xildhibaanada laga soo doorto HirShabelle ee ku biiraya baarlamaanka 10aad ay noqdaan "Farmaajo doon".

Sikastaba ha ahaatee, HirShabelle ayaa u muuqda maamul dhibane u ah dano siyaasadeed oo madaxda federaalka leeyihiin iyo in dhamaadka muddo xileedka madaxdiisa uu mar walba kusoo iyaddoo qaranka aadayo doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM